Nabaddoon Macalin Haaroon Macalin oo caawa gurigiisa lagu dilay. Ruunkinet 18/08/07

Nabadoon Macalin Haaruun Macalin Yuusuf oo ahaa nabadoon caan ah oo ay isku jufo yihiin ra'isul wasaare Geeddi iyo Maxamed Dheere ayaa caawa waxaa la sheegay in ay gurigiisa ku dileen 3 nin oo wajiga soo duubtay.

Sadaxda nin ayaa la sheegay in ay wateen baatoolado ayagoo cararay kadib markii ay hubsadeen in ay la heleen rasaastooda nabaddoonka oo markaasku gurigiisa ku sugnaa.

Nabadoonka ayaa degenaa xaafadda Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dilalka wax garadka iyo aqoon yahanada beelaha USC ay isu geystaan ama loo geysto ayaa sii kordhaya muddooyinkan dambe kadib markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen dalka.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com