Xarunta Maxamed Dheere oo la weeraray maanta iyo suuqa Huriwaa oo ay ciidamada boliiska maanta ku dileen laba ruux oo rayid ah. Ruunkinet 19/08/07

Waxaa bam gacmeed lagu weeraray maanta xarunta maamulka gobolka Banaadir ee uu gudoomiyaha ka yahay Maxamed Cumar Xabeen.

Bamkan oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen ugu yaraan laba ruux ayaa loola dan lahaa in lagu wax yeeleeyo maamulka Maxamed Dheere ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale, ciidamada Boliiska ee dowladda federaalka ah ayaa laba nin oo rayid ah ku toogtay suuqa weyn ee xaafadda Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Labada nin oo rayid ahaa ayaa waxaa haleeshay rasaas ay ridayeen ciidamda boliiska ee dowladda federaalka ah oo halkaasi ku sugnaa ayadoo ciidamadda dowladda federaalka ah lagu eedeeyo in ay dad badan oo rayid ah dilaan ama xabsiga u taxaabaan si joogta ah.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

ruunkinet@london.com