Generaal Cadde Muuse oo Dubai u tagay arrimo caafimaad, dowladda federalka oo sheegtay in ay bandowgii Xamar ka qaaday iyo 3 ruux oo maleeshiya hubeysan ku dileen maanta suuqa bakaaraha. Ruunkinet 13/09/07

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo haatan ku sugan magaalada Dubai ayaa la sheegay in uu halkaasi u yimid arrimo la xiriira caafimaadkiisa.

Generaal Cadde Muuse ayaa dad ku dhow dhow sheegayaan in laga hayo kiliyaha una yimid in uu Dubai isku daweeyo.

Dhanka kale, maleesha hubeysan ayaa saakay ku dishay 3 ruux oo rayid ah suuqa sarifka ee Bakaaraha.

Maleeshiyadan oo rasaas ku furtay dad suuqa ka adeeganayay ayaa la sheegay in ay isaga tageen halkaasi ayadoo aan wax loo geysan.

Sidoo kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka qaaday amarkii bandowga ahaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda xildhibaan M Gacmadheere ayaa sheegay maanta in laga qaaday bandowgii saarnaa magaalada Muqdisho xilliga habeenkii.

Bandowga oo u sahli jiray kooxaha hubeysan in ay ugaarsadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah habeynkii maadaama shacabka inta badan guryahooda ku ekaan jireen ayaa haatan waxaan la go'ay sida ay u kala saari doonaan cadowgooda iyo dadka rayid ah ee wadada maraya xilliga habeenkii marka laga reebo goobaha ay degan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com