Xildhibaan Qanyare oo sheegay in shirkii Muqdisho lagu lunsaday lacago badan iyo magaalada Kismaayo oo ay ku dagaalameen kooxo iska soo horjeeda. Ruunkinet 17/09/07

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa kooxiyii la dagaalamijiray midowga maxaakiimta kuna tilmaamay in ay yihiin argagixiso ayaa maanta sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho lagu lunsaday lacaggo gaaraya 8 milyan oo doolar.

Shirkan ay dadka qaar ugu yeeraan mashruucii Cali Mahdi ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku qabtay dowladda federaalka ah oo sheegtay in ay ku heshiisiineysa beelaha Soomaaliyeed.

Qanyare ayaa warkiisa u dhacayay in ay lacagahaasi lunsadeen madaxweynaha, ra'isul wasaaraha iyo Cali Mahdi Maxamed.

Dhanka kale, waxaa shalay galab ka dhacay dagaallo ay isaga horyimaadeed maleeshiyo beeleed hubeysan magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadkaasi ayaa dagaalkooda la sheegay in ay ku dhinteen 3 ruux qaar kalane ay ku dhaawacmen.

Dagaalkan oo ka dhacay xaafadda Via Afmadow ayaa haatan degan ayadoo xiisado ay weli ka jiraan goobihii uu ka dhacay dagaalkaasi.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com