Cabdi Qeybdiid oo loo haysto in uu ka dameeyay weerarka lagu qaaday Idaacadda Shabelle iyo xeer ilaaliya maxkadda dowladda federaalka ah oo la sheegay in uu ka dambeeyay xiritaanka guddoomiya maxkamadda sare. Ruunkinet 23/09/07

Wararka ka immaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in weerarka lagu qaaday Idaacada Shabelle uu ka dambeeya taliyaha ciidanka booliska dowladda federaalka ah ee Soomaliya.

Mudane Cabdi Qeybdiid oo ah taliyaha ciidamada booliiska ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in la weeraro Idaacadda Shabelle oo ay weli ku xaniban yihiin qaar ka tirsan shaqaalaha Idaacaddaasi muddo dhan 5 maalmood.

Warka ayaa intaasi ku daraya in mar la weydiiyay Cabdi Qeybdiid uu sheegay in amarka lagu weerarayo Idaacadda Shabelle uu ka helay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Dhanka kale, xeer ilaaliyaha guud ee maxkadda sare ee dowladda federaalka ah ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay xarigga loo geystay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda.

Labadan mas'uul oo ka wada tirsan Dirta Wuqooyay iyo tan koonfureed ayaa la sheegay in ay dhex martay xurguf aan la shaacin.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in uu Cabdi Qeybdiid ka waday guddomiyaha maxkadda magaalada Baydhabi asagoo xiran.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa shalay ku booriyay in si deg deg ah loo sii daayo guddomiya maxkadda ayadoo uu arrintaasi diiday xeer ilaaliyaha maxkamadda.

Cabdulahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 



 

 

ruunkinet@london.com