Isbahaysigii lagu dhisay Asmara oo qarka u saaran in uu burburo kadib markii la qaatay talooyin khaldan iyo khilaafkii u dhexeeyay madaxweyne Yuusuf iyo ra'isul wasaare Geeddi oo la sheegay in la soo afjaray. Ruunkinet 26/09/07

Isbahaysiga lagu macaabo xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya oo dhawaan lagu magacaabay Asmara ayaa la sheegay in uu qarka u saaran yahay in uu burburo.

Burburka Isbahaysiga ayaa la sheegay in uu ku saleysan yahay kadib markii ay talo qaldan labada Shariif ka qaateen koox loo yaqaan Somali Cancer Group oo saldhiggoodu yahay dalka Ingriiska.

Warka ayaa intaasi ku daraya in xukun u dagaallan (power struggle) uu soo wajahay isbahaysiga kaasoo ku saleysan sida la sheegay qeybinta beelaha ee guddiga fulinta.

Sidoo kale, waxaa horay u diiday in ay ka qeyb galaan shirka Asmara siyaasiyiin iyo aqoon yahanno caan ah kagadaal markii ay maqleen in Labada Shariif ay gacanta u galeen kooxda Somali Cancer Group.

Kooxda Somali Cancer Group ayaa la sheegay in ay horay dhex uga abuureen khilaaf iyo qeyb sanaan weyn jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Ingriiska.

Mar aan la xiriirnay magaalooyinka Asmara iyo Muqdishoayaa waxgarad halkaasi jooga noo sheegeen in inkabadan 75% uu hoos u dhacay taageerada Isbahaysiga Casmara kadib markii ay magacaabeen guddiga fulinta.

Dhanka kale, wararka ka immaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in la soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay madaxweyne Cabdudllahi Yuusuf iyo ra'isul wasaareGeeddi.

Dhexdhexaadinta labada mas'uul ayaa la sheegay in ay qeyb weyn ka qaateen wax garadka beesha Muddullood in kastoo aan warkaasi ilo madaxbannaan aysan xaqiijin.

Labadad mas'uul ayaa la sheegay in uu khilaafkoodu ku saleysan yahay maamulka dowladda iyo lacagaha macaawinada ah ee loogu deeqo shacabka Soomaaliya looguna soo dhiibo dowladda federaalka ah.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com