Prof. Cali Geeddi oo Itoobiyaanka u sheegay in xitaa haddi ay barlamaanka casilaan tagi doonin iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu dilay degmada Towfiiq. Ruunkinet 21/10/07

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in ra'isul wasaare Geeddi mar looga yeeray dalka Itoobiya dhawaan uu madaxda dowladda Itoobiya u sheegay in uusan ka tageyn jagada ra'isul wasaaranimada xukuumaddiisa.

Ra'isul wasaare Geeddi oo la sheegay in uu la kulmay Meles Zanawi iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Itoobiya ayaa ku doonay in inta badan xildhibaannada baarlamaanka ay asaga raacsan yihiin.

Ra'isul wasaare Geeddi oo shalay la kulmay mudanayaasha taageersan ayaa u muuqday mid dagaal diyaar u ah haddii laga qaado jagadiisa.

Sidoo kale, maalinta Isniinta ah ayaa la filayaa in ay kulmaan golaha baarlamaanka ayadoo la sugayo in la keeno motion kalsoonida looga qaadaya ra'isul wasaare Geeddi.

Prof. Geeddi ayaa u muuqda mid haatan haysta kalsoonida inta badan xildhibaannada in kastoo aan la saadaalin karin mabda'a mudanayaasha baarlamanka iyo cidda ay garab siin doonto dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, waxaa xalay la weeraray ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa xaafadda Yaaqshiid.

Warka ayaa intaasi ku daraya in laga dilay ciidamada Itoobiya qaar ka tirsan ciidamadooda in kastoo aan la xaqiijin warkaasi iyo tirada ka dhimatay.

Xaafadda Towfiiq ayaa la arkayay dad rayid ah oo ka qaxaya weerar ay ka baaqayaan in ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa xukuumadda ay ku soo qaadaan halkaasi.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com