Xubnaha beesha caalamka u jooga Nayroobi oo la sheegay in ay handadaad u tegi doonaan magaalada Baydhabo 7da bishan. Ruunkinet 05/11/07

Wararka ka immaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maalinta Arbacada ah ee soo socota ay halkaasi imaan doontaan qaar ka tirsan xubnaha beesha caalamka u jooga magaalada Nayroobi.

Xubnahaasi ayaa la sheegay in ay u imaanayaan magaalada Baydhabo in ay la hadlaan golaha baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warka ayaa intaasi ku daraya in xubnahaasi ay kala hadli doonaan golaha baarlamaanka in si dhaqsi ah loo furo baarlamaanka loogana doodo in dibadda laga keeni karo ra’isul wasaaraha iyo in kale.

Qaar ka mid ah golaha baarlamaanka ayaa si weyn u diidan in la furo baarlmaanka kuwaasoo u badan taageerayaashii Prof. Cali Maxamed Geeddi kuna andacoonaya in aan dibadda laga keeni karin ra’isul wasaaraha dowladda.

Sidoo kale, xubnaha beesha caalamka ayaa la sheegay in ay u sheegi doonaan xubnaha baarlamaanka in haddii ay si dhaqsi ah u furi waayaan baarlamaanka ayna meel saari waayaan arrintaasi in ay ka joojin doonaan dhaqaalaha ay siiyaan golaha baarlmaanka oo u badan mushaarkooda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in haddii u baarlamaanka ku guuleysan waayo arritnaasi uu ra’isul waraaraha cusub booska u banneyn doono Cali Geeddi.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com