Ninkii loo magacaabi lahaa ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo berri immaanaya Nayroobi iyo madaxweyne Yuusuf oo la sheegay in uu xanuunsan yahay. Ruunkinet 10/11/07

Mudane Xasan Sheekh Nuur oo la filayo in dhawaan loo magacaabo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu yimaado magaalada Nayroobi berri oo Axad ah.

Mudane Xasan Sheekh oo sida la sheegay uu wato madaxweynahii hore mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay in uu ka immaanayo dalka Maleeshiya.

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Baydhabo iyo Nayroobi ayaa si weyn u tibaaxaya in Xasan Sheekh lagu wado in loo magacaabo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in uu xanuunsan yahay asagoo haatan ku sugan magaalada Nayroobi.

Warka ayaa intaasi ku daraya in loo maleynayo in madaxweyne Cabdullahi Yuusuf laga yaabo in uu dalkan Igariiska caafimaad u yimaado muddo dhow oo aan la cayimin.

Col. Yuusuf ayaa la filayaa in uu marka hore soo magacaabo ra’isul wasaare inta uusan imaan dalka Ingriiska ayadoo laga yaabo in uu marka hore ku laabto magaalada Baydhabo maalinta Khamiista ah ee soo socotoa.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com