Raisul
wasaaraha cusub oo la magacaabi doono maalmaha soo socda iyo Mareykanka
oo la sheegay in ay kula taliyeen madaxweyne Yuusuf in la magacaabo wasiirro
tiro yar iyo tayo badan leh. Ruunkinet 13/11/07
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay dad ku dhow dhow madaxweynaha
dowladda federaaalka ah ayaa ku waramaya in dhawaan la magacaabi doono
raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa dad xog ogaal ah ay sheegayaa in mudane Xasan
Sheekh Nuur oo ay qaraabo yihiin Immaam Maxamed Imaam Cumar loo magacaabi
doono ra'isul wasaare hal usbuuc gudahiis ayadoo laga yaabo in uu madaxweynaha
u raaco magaalada Baydhabo dhammaadka usbuucan.
Mudane Xasan Sh. Nuur oo soo gaaray magaalada Nayroobi Axaddii la
soo dhaafay ayaa la sheegay in uu wax ku bartay dalka Suudaan haatanna
uu ku sameynayay dalka Maleeshiya waxbarashada PHd.
Dhanka kale, wararka ka immaanaya magaalada Nayroobi ayaa ku waramaya
in dowladda Mareykanka ay kula talisay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf
in la magacaabo wasiirro kooban oo tayo leh.
Warsiirada la magacaabaya ayaa tiradoodu dad badan qabaan in laga
dhigi doono ugu badnaan 25 wasiir halka ay hore u ahaayeen 31 wasiirro.
Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
|