Cali Mahdi oo Xamar Aaday, Cabdullahi Yuusuf oo u sheegay maanta musharaxiinta in uu berri magacaabi doono Nuur Cadde iyo ammaanka Nuur Cadde oo ay Itoobiyaanka la wareegeen. Ruunkinet 21/11/07

Mudane Cali Mahdi Maxamed oo maanta la filyay in uu aado magaalada Baydhabo ayaa safarkiisi u wareejiyay magaalada Muqdisho.

Mudane Cali Cali Mahdi iyo madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa la sheegay in xiriirkoodu mugdi soo kala dhex galay kadib markii uu Col. Cabdullahi Yuusuf uga baxay balan uu u qaaday in uu magacaabi doono Xasan Sheekh oo ah nin uu Cali Mahdi watay.

Cabdullahi Yuusuf ayaa horay ugu geeyay Xasan Sheekh safaaradaha Itoobiya iyo Mareykanka ay ku leeyihiin Nayroobi.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu u sheegay musharaxiita doonayay in ay noqodaan ra'isul wasaare in maalinta berito ah uu u magacaabi doonto Col. Nuur Cadde ra'isul wasaaraha cusub ku waasoo ay ka mid ahaayeen Cabdullahi Afrax iyo Gacmodheere.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen ammaanka Nuur Cadde ayadoo dad badan ay saf ugu jiraan Nuur Cadde iyo Maxamed Dheere oo labadaba ku sugan magaalada Baydhabo.

Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu doonayo in magacaabidda golaha wasiirada uu gacan weyn k ulahaado.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

ruunkinet@london.com