Dagaaladda Muqdisho oo sii xoogeystay kadib magaabiddii ra'isul wasaaraha iyo xukuumaddiisa iyo madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha oo la filayo in ay dhawaan u kicitimaan Itoobiya si ay uga wada hadlaan xaaladda ka jirta Soomaaliya. Ruunkinet 03/12/07

Dagaalada u dhexeeya ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya kuwa dowladda madaxweyne Cabdullahi Yuusuf oo ay ka soo horjeedaan maleeshiyada Muqaawimada ee diidan jookitaanka ciidamada Itoobiya ayaa dagaal culus waxaa uu maanta ku dhex maray degaanka suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa.

Dagaalka maanta ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah ayadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah.

Madaafiicda BM-ka ayaa ciidamada Itoobiya ay ku garaacday degaanka suuqa xoolaha ayadoo aan u meel dayin.

Dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeystay kadib magacaabidii ra'isul wasaare Nuur Cadde iyo golahiisa wasiirada.

Dhanka kale, madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo ra'isul wasaare Nuur Cadde ayaa warar aan ka helnay magaalada Baydhabo sheegayaan in ay dhawaan aadi doontaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Labadan mas'uul ayaa la sheegay in ay warbixin siin doontaan madaxda sare ee dowladda Itoobiya ayagoo inta badan uga warami doona xaaladda Soomaaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in mas'uuliyiintan uu horay u sii raaci doono jeneraal lagau magacaabo Cabdinuur oo ay qaraabo yihiin madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com