Dabageed oo dil lala damacasanaa ka badbaaday iyo jufoojin ka tirsan beesha Gaaljecel oo ku dagaalay gobolka Shabellada Dhexe. Ruunkinet 06/12/07

Yuusuf Xagar Dabageed oo ka mid ah mas'uuliyiinta dowadda federaalka ah ee Soomaliya ay u soo magacawday gobolka Hiiraan ayaa shalay ka badbaaday dil lala damacsanaan in lagu qaarajiyo.

Shirqool loo maleegay in lagu dilo Dabageed ayaa ka dhacay agagaarka tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan ayadoo ay ku dhinteen qaar ka mid ah ilaadada Dabageed.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Yuusuf Dabageed gaarigiisi lagu gubay halkaasi.

Dabageed oo la filayay in uu saarnaa gaarigaasi ayaa markaasi ka maqnaa goobta shilka dhacay.

Mudane Dabageed ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday shir qoollo lagu damacsanaa in lagu dilo.

Dhanka kale, laba jufo oo ka tirsan beesha Gaaljecel ayaa shalay ku dagaalantay goobo ka tirsan gobolka Shabellada Dhexe.

Warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in ay dagaalkaasi ku dhinteen 9 ruux oo ka tirsan labada dhinac.

Waxaa jira dadaallo ay wadaan odayaal dhaqameed iyo wax garad kale oo dooonaya inay dhex dhexaadiyaan labadan beelood ee walaalaha ah oo horay u dhex maray dagaal ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com