Dowladda Mareykanka oo la sheegay in ay qarka u saaran tahay in ay ka saarto liiska argagixisada Sheekh Xasan Daahir Awees, Melez Sanaawi oo ku eedeeyay dowladaha Yurub in aysan ku caawin howgallada uu ka wado Soomaaliya iyo warar sheegaya in ciidamo badeed Itoobiyaan ah ay xeebaha Puntland taba bar kula qaadanayaan ciidamada Mareykanka. Ruunkinet 11/12/07

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maamulka madaxweyne Bush uu damacsan yahay inuu liiska argagixisada ka saaro Sheekh Xasan Daahir Awees oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ee golahii maxaakiimta ee laga awoodda roonaaday.

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kagadaal markii ay u arkeen in uu yahay qunyar socod marka loo eego wadaaddada lagu macaabo Al Shabaab ee mayilka adag.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah in lagu tababarayo xeebaha Puntland.

Ciidamadan oo la sheegay in ay ka mid yihiin kuwa badda ayaa la sheegayaa in ay tababar la qaadanayaan ciidamada badda ee Mareykanka ee ku sugan xeebaha Puntland.

Itoobiya oo aan lahayn bad ayaa dad badi isweyndiinayaa sababta keenay in ciidamo baddeed loo sameeyo oo ay tababarro la qaatan kuwa Mareykanka.

Dhanka kale, waxaa la sheegaya in uu madaxweynaha dowladda Itoobiya ku eedeeyay dowladaha Yurub in ay ka baaqsadeen ku gacan siinta howlaha ay ciidamada Itoobiya ka wadaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Melez Zanawi ayaa sheegay sida ay wararku sheegayaan in uu ka xumaaday wararka sheegaya in Sheekh Shariif Axmed Visa la siiyay ee uu dhawaan tegi doono dalka Sweden.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com