Dagaallo ay ku dhinteen dad rayid ah iyo qaar ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ka dhacay maanta magaalada Muqdisho iyo shir ay isugu immaanayaan qaar ka tirsan aqoon yahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Jabuuti ka billabanaya 15ka bishan. Ruunkinet 13/12/07

Dagaallo qaraar oo fool ka fool ah oo ay isaga horyimaadeen ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxaa uu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaaladan oo ay ku dhinteen dad rayid ah oo ka badan 15 ruux kuna dhaawacmeen qaar badan oo kale ayaa waxaa uu ka dhacay Jidka Warshadaha iyo goobo kale.

Sidoo kale, Madaafiic culus oo aan loo meel dayin ayaa ciidamada Itoobiya waxay ku garaaceen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ay arkeen qaar ka tirsan ciidamada Itoobiya oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiga.

Cusbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa la geeyay dad badan oo dhaawac ah.

Dhanka kale, aqoon yahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay 15ka bishan shir uga billaaban doono magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ay aqoon yahannadan iyo siyaasiyiintan ka mid yihiin Cabdirizaaq Xaaji Xuseen, Cabdi Ismaaciil Samatar, Cismaan Kalluun, iyo Axmed Sheel.

Kooxdan oo ahaa asaasayaasha urur lagu soo dhisay magaalada Nayroobi ayaa la sheegay in ay ka hadli doonaan arrimaha Soomaaliya.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com