Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo soo gaaray Baydhabo si uu u hubiyo magacayada wasiirada cusub oo saacadaha soo socda la magacaabi doono. Ruunkinet 03/01/08

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaho ayaa ku waramaya in uu halkaasi soo gaaray ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya shalay galab.

Wasiir kuxigeenka oo lagu magacaabo Tafadhe ayaa la sheegay in uu u yimid in uu hubsado magacyada golaha wasiirada cusub ee dhawaan ma magacaabi doono.

Golaha wasiirada oo in kabadan 98% uu magacaabi doono madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qaarkood jooga dalka dibaddiisa gaar ahaa dalka Mareykanka.

Warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in golaha wasiirada la magacaabi doono maanta ama berrito.

C.Cali, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com