Madaxweyne Yuusuf oo la sheegay in dhakhtarkiisa iyo qaar ka tirsan beesha caalamka ay ku la taliyeen in uu ka joogo shaqada uu hayo caafimaadkiisa dartiis. Ruunkinet 15/01/08

Warar ku dhow dhow madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku waramaya madaxweynaha ay kula taliyeen qaar ka tirsan beesha caalamka iyo dakhtarkiisa in uu u baahan yahay nasasho dheer.

Kooxdan ayaa madaxweyne Yuusuf sida la sheegay kula taliyay in uu isaga tago jagada madaxweynanimada uuhadda hayo ayagoo u sheegay in aannu wadi karin howshan dhibta badan.

Madaxweynaha oo haatan ku jira hotel ku yaal magaalada London ayaa ka fiirsanaya in uu qaato talada la siiyay iyo in kale.

Col. Cabdullahi Yuusuf ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Cusbitaalkii uu ku jiray kadib markii uu yara ladnaaday asagoo London u yimid arrimo la xiriira caafimaadkiisa.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

 

 

ruunkinet@london.com