Gacmo Dheere oo la sheegay in loo soo magacaabi doono safiirka Soomaaliya u fadhiisan doona London kadib markii lagu bedelay Cabdifataax. Ruunkinet 24/01/08

Warar ku dhow dhow madaxtooyada Baydhabo ayaa ku waramaya in xildhibaan M M Gacmo dheere loo magacaabi doono safiirka u fadhiya Soomaaliya magaalada London ee dalka Ingriiska.

Xildhibaan Gacmo dheere ayaa la sheegay in lagu bedelayo nin ka tirsan beesha shanaad oo lagu magacaabo Cabdifataax.

Xildhibaan Gacmo dheere oo horay u ahaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa la sheegay in uu ka codsaday madaxweyne Yuusuf in xilkaas loo magacaabo asagoo arrimo la xiriira ammaankiisa.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com