Ciidamada Maxaakiimta oo ka baxay Buulo Burte kadib markii ay guri guri uga raadiyeen Yuusuf Dabageed iyo Cabdicasiis Duurow oo ku biiray muqaawimada. Ruunkinet 01/04/08

Ciidamada Maxaakiimta ayaa ka baxay magaalada Buurlo Burte oo ay dhawaan qabsadeen kadib markii ay guri guri uga raadiyeen gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Ciidamadan oo sidoo kale qabsaday tuulada Halgan ayaa la sheegay in ay ka furteen 4 gaari oo ah kuwa loo yaqaan tiknikada oo ay wadteen ciidamada Dabageed iyo ciidamo ka socda gobolka Shabellada Dhexe.

Warka ayaa intaasi ku daraya in 13 ruux ay ku dhinteen magaalada Buulo Burte dagaalkii dhex maray labada koox.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Buulo Burte ayaa la sheegay in uu ku biiray muqaawimada dagaalka kula jirta maamulka gobolka Hiiraan.

Cabdicasiis Duurow oo ah guddomiyaha degmada Buurlo Burte oo dhawaan gurigiisa oo ku yaal magaalada Buulo Burte ay gubeen ciidama taageersan Yuusuf dabageed kadib markii ay siyaasadda isaga hor yimaadeen asaga iyo Dabageed ayaa la sheegay in uu ku biiray ciidamada Maxaakiimta oo dagaal kula jira maamulka gobolka Hiiraan oo ay taageeraan ciidamada Itoobiya.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com