Ra'isul wasaare Nuur Cadde oo la filayo in uu dhawaan u soo diro guddi la xaajooda mas'uuliyiinta isbahaysiga ee ku sugan magaalada Nayroobi. Ruunkinet 01/04/08

Warar lagu kalsoonayahay oo aan ka helnay magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in ra'isul wasaare Nuur Xasan Xuseen uu doonayo in uu dhawaan u soo diro guddi la xaajooda mas'uuliyiinta sare ee isbahaysiga Asmara oo haatan ku sugan magalada Nayroobi.

Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo ah mas'uuliyiinta ugu sareysa Isbahaysiga Asmara oo haatan degan Hotel Safari Park oo ku yaal magaalada Nayroobi ayaa wadahadallo xasaasi ah la yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan beesha caalamka ayaa laga yaabaa in uu ra'isul wasaare Nuur Cadde la kulmo kadib markii uu ku soo laabto magaalada Nayroobi in kastoo aan warkaasi la xaqiijin.

Warka ayaa intaasi ku daraya dowladda Itoobiya in ay aad u diidan tahay in wada hadal lala yeesho mas'uuliyiinta Isbahaysiga Asamara.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com