Abuu Mansuur oo sheegay in Adan Ceerow lagu dilay weerar cirka ah. Ruunkinet 01/05/08

Sheekh Rooboow oo loo yaqaan Abuu Mansuur oo ah afhayeenka ururuka Al Shabaab ee la dagaalamada ciidamada Itoobiya iyo dowladda KMG ah ayaa sheegay in xalay ciidamada Mareykanka weerar cirka ah ay ku dileen 28 ruur oo uu ka mid yahay Adan Xaashi Ceeyrow oo si weyn ay u raadinayeen sir dooonka Mareyka ka iyo ciidamada Itoobiya.

Weerarka lagu dilay Adan Cayrow iyo culamada kale ayaa la sheegay in uu ka dhacay guri ku yaal degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud oo ay la beegsadeen galtaal ciidamada cirka ee dowladda Ameerika.

Sidoo kale, Abuu Mansuur ayaa hanjbaad u soo jeediyay ciddii ka dambeysay dilkaasi asagoo magacaabay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

 

 

 

ruunkinet@london.com