Isbahaysiga
lagu sameeyay Asmara oo sheegay in ay Jabuuti u tageen in ay la kulmaan
QM balse indhaha ay iska eegayeen wafdiga dowladda federaalka ah qolka
shirka ka soconaya Jabuuti. Ruunkinet 13/05/08
Shir uga furmay magaalada Jabuuti dowladda federaalka ah iyo Isbahaysiga
lagu soo dhisay magaalada Asmara ee dalka Eritreya ayaa la sheegay in
uu weli ka socdo magaalada Jabuuti.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay QM ayaa waxaa ka soo qeyb galay
wufuud aad u ballaaran oo ka kala socda wakiilada u fadhiya beesha caalamka
magaalada Jabuuti iyo qaar kale oo ka yimid dalalkooda.
Shirkan oo laga damacsan yahay in lagu heshiisiiyo mucaaradka iyo
dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in Isbahaysiga
dib u xureynta ku dhawaaqay in aysan la kulmi dooni wafdiga dowladda
federaalka ah ee ka qeyb galaya shirka Jabuuti.
Labada wafdi oo ka wada qeyb galaya shirka Jabuuti ayaa la sheegay
in ay iska eegayaan indhaha oo kali ah balse aysan jirin xitaa salaam
dhex martay labadooda inta lagu jiray fadhiga shirka.
Isbahaysiga ayaa sheegay in uu Jabuuti u tagay in uu la kulmo QM
masuuliyiin ka socota balse uusan u tagin halkaasi in uu ka kulmo
wafdiga dowladda federaalka.
Arrintan ayaa noqon karta fursaddii ugu dambeysay ee ay ku wada
hadli karaan dowladda federaalka ah iyo isbahaysiga sida ay sheegeen
masuuliyiinta QM uga qeyb galeysa kulanka Jabuuti.
C. Cali, Ruunkinet, London
|