Qarax goor dhaweyd lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowlada Somaliya .Ruunkinet 30/10/2009 (Click)

Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada dowlada oo marayay agagaarka gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde Internation Airport.

Warar hor dhac oo soo baxaya ayaa sheegaya inay geriyoodeen ku dhowaad 3 ruux lix kalena ay ku dhaawacmeen, qaraxa miino ayaa ka dhacay afaafka hore ee garoonka dayuuradaha , iyadoo qaraxaasi uu ahaa mid xoog badan oo gil gilay agaagaarka Airporka.


Waxaa adag in warar dheeri ah halkaasi laga helo iyadoo ay halkaasi isku gadaameen ciidamada AMISOM oo guud ahaan xiray agagaarka garoonka dayuuradaha, wax war ah kama soo bixin ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan.

Ruunkinet/Abdirashid Rashka

 

 

ruunkinet@london.com