Warar Goosgoos ah: Ruunkinet 18/12/2009

War murtiyeed laga soo saaray shrikii ICG ee Soomaaliya

Shirkii kooxda caalamiga ee Soomaaliya, ayaa war muriyeed ka soo saaray shirkii ka socday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga kaas oo arrimaha dalka looga hadlaayay.
Kullanka, ayaa waxa la isku raacay in la taageero dowladda kmg ah ee Soomaaliya iyo in sidoo kale xooga la saarro arrimaha dib u heshiisiinta.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, oo shirka ka qeyb galaayay ayaa madaxdii shirka ugu yeeray inay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan dowladda Soomaaliya.
Md. Cabdirashiid, ayaa waxa uu shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay wax yaabo badan intii ay jirtya hadana ay jiraan caqabado ka hor imaanaya inay hore u socoto, waxase dunida uu ugu yeeray si caqabadahaasi looga gudbo inay taageero u fidiyaan dowladda Soomaaliya.
Madaxdii boqortooyada Sacuudiga oo shirka marti galiyay, ayaa iyana dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku haya ugu yeeray inay ka heshiiyaan khilaafaadka dhexdooda ah islamarkaasina ay u turaan shacabkooda.
Kullanka kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ICG, ayaa waxa uu yahay kii 16aad ee koxdan ay arrimaha Soomaaliya ka yeeshaan.

Ahlusunnah oo shir weyn maanta u furmaya
Shir weyne maanta uga furmaya magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud culimo ka socota ururka Ahlusunnah Waljameecah oo maamula inta badan gobalkaasi Galgaduud.
Saraakiil AhluSunnah u hadlay ayaa sheegay in shirka ujeedkiisu uu yahay sidii madaxda Ahlussunah iyo saraakisha dagaalka uga wada hadli lahaayen arrimaha dagaallada ay kula jiraan urur diimeedyada kale ee Soomaaliya.

Xubnaha ka qeybgalaya shirkan ayaa waxaa kamid ah gudoomiyaha guud ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee gudaha iyo Dibadda Macalin Maxamed Sheekh Xasan iyo xubno kale oo ka yimid qeybaha kala duwan ee Qaaradaha Aduunka.
Warar aan la caddeyn, ayaa sheegaya in ergo ka socota dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada lagu casuumay shirka.
Waa shirkii ugu weynaa ee nuuciisa ah ee ka dhaca dalka Soomaliya oo wadaaddada Ahlusunnah ka qeyb galaan.
Goobta shirka uu ka furmayo, ayaa waxa amaankeeda sugaya xoogaga Ahlusunnah oo si weyn u feejigan.
Ahlu Sunnah waa urur diimeed dagaal kula jira xoogaga Alshabab iyo Xisbul Islaam, waxayna sidoo kale gacan saar dhow la leeyihiin dowladda kmg ah ee Soomaaliya.

Dacwado ka dhan ah Xildhibaan Geeddi iyo kuwa kale
Dowladda kmg ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ashtako ah oo ka dhan ah xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya u gudbisay dowladda Kenya si wax looga qabto xildhibanadaasi oo Kenya hadda ku sugan.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya danjire Max'ed Cali Ameeriko, ayaa sheegay in ay soo gaartay waraaq ka timid wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo lagu eedeynaayo raysal wasaarihii hore Cali Max'ed Geeddi in uu wado shirqoollo lagu majaxaabinaayo dowladda Shariif uu madaxweynaha ka yahay.
Danjire Ameerimo ma aanu bixin faafaahin intaa kabadan.
Sidoo kale xildhibaanada la dacweeyay ayaa waxay wararku sheegayaan inay ku jiraan Salaad Cali Jeelle, Xasan Abshir Faarax iyo kuwa kale oo badan.
Xildhibaanada, ayaa lagu eedeeyay inay wadaan kulamo joogto ah oo siyaasadeed kuwaas oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Shariif sidii loo cuuryaamin lahaa.
Wararka kale aya sheegaya in Cali Geeddi uu la kulmayo odayaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha uu madaxweynaha iyo isagaba ay ka soo jeedaan kuwaas oo uu kala hadlaayay arrimo maamul u sameynta gobalka quseeya.
Wali xildhibaanada la eedeeyay kama aanay war celin eeddan cusub.
Laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Musas Watangula, ayaa isagoo ku sugan Kobanheygan, waxa uu sheegay in Kenya ay baari doonto eeddda loo soo jeediyay xildhibaanadan dowladda ku jira.

C/rashiid Rashka, Ruunkinet

 

 

ruunkinet@london.com